Ololaha Doorashada Somaliland Iyo Dareen Shacabka
- Nov 4, 2017
- 2 min read

Somaliland waxa ka bilaabay ololaha doorashada ee hogaanka dalka taas oo cod bixintu dhici doonto 13-ka bisha Noofambar ee sanadkan 2017-ka.
Xamaasada iyo taageerada xisbiyaduna waa mid xawli ku socota waxaana malinba maalinta ka danbaysa taageerayaashu muujinayaan cududooda taageero ee ay u hayaan xisbiyadooda. Xisbiyada tartamaya ayaa midba maalintiisa dhoolatus ka smaynayaa magaalooyinka waa wayn iyo dagmooyinka dalka isagoo xisbi kastaaba muujinaayo cududiisa taageero ee uu bulshada ka haysto.
Masuuliyiinta xisbiyadu waxay bulshada kala qayb galayaan dabaal degayada iyo isu soo baxyada iyagoo u soo bandhigaya bulshada Waxqabadkooda iyo barnaamijka ay dalka ku hagi doonaan.
Dareenka Shacabka.
Iyadoo dhawr doorasho oo Hore ay dalka ka qabsoomeen isla markaana ay Dadku fahansan yihiin nadaamka doorasho, hadana xiliyada ololaha doorasho waxay dadku ku jahawareeraan dabaal degyada haweenka iyo dhalinyaradu ka samaynayaan magaalooyinka iyo suuqyada.
Goobaha dadku iskugu yimaadaan Waxa Lagu Falaqaynayaa Qaabka uu U Socdo Ololaha Doorasho,waxaanay dadka qaarkood aamisan yihiin in dadka Ololaha ka qayb galayaa ay u badan yihiin kuwo xisbi kasta la socda, oo maalinba mid u tumaya. Qaar kale ayaa Aamisan in dadka ololaynayaa badankoodu aanay kaadhka codaynta haysan. Sidaa darteed wali shacabku saadaalinayaan Cidda ku guulaysan karta Hogaaminta Dalka.
Dhanka Amniga
Baabuurta Oo ay saran yihiin Dhalinyaro iyo Haween Ayaa Socod ku maraya Wadooyinka iyo xaafadaha dhexdooda, waxaanay lulayaan calamo isla markaana waxay ku dhawaaqayaan halku dhigyo ay ku taageerayaan xisbogooda.
Ciidamada Booliska Somaliland oo heegan buuxa ugu jira adkaynta amaanka magaalooyinka waawayn ee dalka sababo la xidhiidha ololaha doorasho ayaa la kulmaya caqabado kaga imanaya taageerayaasha baabuurta iska buuxinaya ee waliba dusha uga baxaya si ay u muujiyaan dabaal dega ay samaynayaan.
Go’aamo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayay ku sheegtay inay arrintaa uga gol leedahay in lagu sugo nabadgelyada guud iyo gaar ahaanba ta dadka ololaha ku jira.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ololaha doorashada madaxtinimada uu si xawli leh uga socdo dhamaanba gobollada dalka.
Saamaynta Ololaha Doorashada Ee Dhanka Isu Socodka Waxkala Iibsiga.
Isku socodka wax kala iibsiga suuqa ayaa si habsamiya u socda wallow ay jiraan sicir barar maalmihii ugu danbeeyey saameeyey suuqyada, balse ololaha doorasho wax is badel kumuu saamaynin.
Inkastoo la dareemayo xamaasad iyo xifaaltan siyaasadeed oo ka dhaxeeya xisbiyada hadana guud ahaan ololaha ayaa si habsami ah uga socda gobolada dalka oo dhan.


Comments