top of page

Maxadka Shaqaalaha Dawlada, Somaliland

  • Nov 4, 2017
  • 1 min read

Qaar ka mida ah shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta oo ah ardayda qalinjabisay 2017 ka

Maxay isku badali wayday aqoontii shaqaalaha dawladu ,hadii sanadba sanadka ka dambaysa ay shaqaalo badan ka soo qalin jabinayaan mac’hadka hay’ada shaqaalaha ?(CSI)

24 Oktober 2017, ayaa maanta waxaa mac’hadka hay’ada shaqaalaha ka qalinjabiyay kudhawaad 145 arday .

Maaha sanadkii ugu horaysay ee ay arday intaa leeg ka qalinjabiyaan arday intaa leeg sidoo kale sanadkii sanadkan ka horeeyay ayaa waxaa mac’hadka ka qalinjabiyay arday aad u tiro badan. Munaasabadii qalinjabinta ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sarre Aadan Xaaji Cali.

Waxaynu wada ogsoonahay in ay aqoontu tahay shayga asaasiga u horeeya in shaqo loo qabto umada iyo in sidii loogu talo galay loo guto waajibaadka qofkasta saran .

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa khudbadii uu ka jeediyay waxaa ka mid ahaa dhiiri galin uu dhiiri galiyay dhalinyartii ka qalin jabisay mac’hadkaa. Xukuumadan talada haysaa waa xukuumadii ugu horaysay ee sarre u qaada tayada shaqaalaha dawlada sidoo kale mudadii ay xukuumadani talada haysay waxaa kor u koray tirade ardayda ka qalinjabinaysa dhamaan jaamacadaha dalka gaar ahaan labada jaamacadood ee Hargaysa iyo Camuud sidoo kale waxaa iyadana korodhay tirade ardayda ka qalinjabinaysa mac’hadka shaqaalaha dawlada.

Comments


The Chief Editor
Recommanded Reading
Search By Tags
Follow "THIS JUST IN"
  • Facebook Basic Black
  • Twitter Basic Black
  • Black Google+ Icon

My Channel

My Channel

My Channel
The Somaliland Review Office 1

The Somaliland Review Office 1

00:15
bottom of page