Qarax Lixaad Leh oo Khasaare Badan Sababay
- Oct 23, 2017
- 3 min read

Qaraxyada loogu talogalay naf goynta ayaa si isdabajoog ah uga dhaca magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ila intii dalkaasi uu galay xaalad burbur oo ay sababtay dagaalada sokeeye ee dalka ka aloosnaa 30 kii sano ee ugu danbeeyey. Waxaa hore uga dhacay tirooyin badan oo weerar ismiidaamin ah oo ay soo maleegeen kooxaha xagjirka ah ee dagaalka ku haya maamulka iyo shicibka Soomaaliya. Weeraradan ayaa sababay dad badan oo ku naf waaya iyo burbur badan oo dalka curyaamiyey.
Hadaba 14-kii bashan Oktoober ayaa kooxaha xagjirka ahi weerar ismiidaamin xoogan ku qaadeen badhtanka magaalada Muqdisho ee agagaarka Safari Hotel ee u yaal isgoyska loo yaqaan Soobe goor magaaladu aad u kala gooshaysay. Weerarkan ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaadhi xamuul ah oo hubka qarxaa ka buuxo, waa sida ay sheegeen ciidanka amniga Muqdishu’e, ayaa noqday kii ugu waxyeelada badnaa ee ay kooxaha aragagixisadi kusoo qaadaan caasimada dalka Soomaaliya halkaas oo ay ilaha wararka caalamku tabiyeen in ay in ka badan 280 qof ku nafwaayeen welina la raadinaayo dad aan geeri iyo nolol la tira koobin, halka ay boqolaal kalena dhaawacyo kala nooc ah u yaalaan cisbitaalada magaalada Muqdishu.
Weli cid sheegatay inay ka danbeysay weerarkan ma jirto, hase ahaatee waxaa isla markiiba dawlada Federalka Soomaaliya ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo eedeeyeen kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab oo iyagu qaraxyo hore oo badan ka geystey Muqdishu. Madaxweyne Farmaajo oo intii qaranxani dhacay dhawr baaq soo saaray ayaa ka codsadey umada Soomalida iyo caalamakaba in gargaar loo fidiyo dadka ay waxyeeladu soo gaadhay iyo in mudo sadex cisho ah loo sameeye dadkii geeryooday baroor-diiq.
Waxaa markiiba warbaahinta caalamka iyo baraha bulshadu ku kulanto ee Internet ka si isdaba joog ah loo soo galiyey xadiga khasaare ee weerarkan ismiidaaminta ahi gesytey iyada oo ilahani ay la wadaageen daawadayaasha sawiro aad u murugo badan oo muujinaaya mayd tiro badan oo gubtay iyo qaar aad u googa’ay. Waxaa filanwaa iyo murugo dheeraad ah ku noqotay indhaha daawadayaasha sida araxan darada ah ee loo xasuuqay dadkan u badnaa ganacsatada iyo adeegsatada isgoyskaasi kulansiiyey. Waxaa sidoo kale markiiba goob joogayaashii la wadaageen warbaahinadii iyo baraha bulshadu ku kulanto eheladii dadkan la xasuuqay oo dadkoodii raadinaaya. Qaar ka mid ahi waxa ay ugu tageen goobta qaraxu ka dhacay ehelkoodii oo sida hilbaha xoolaha wadhatooyinka yaal u qurban ama iyaga oo u ekaaday qoryo xaabo ah kadib markii jidhkooda dab qabsaday.
Falkan aragaixiso waa kii ugu baaxada weynaa uguna waxyeelo badnaa ee ka dhaca qaarada ilaa hada. Madaxbadan oo caalamka ah oo ay ugu horeeyaan madaxweynayaasha dalalka Turkiga iyo Faransiiska ayaa tacsi u soo diray madaxweynaha dawlada Federalka Soomaaliya iyo shacabka reer Soomaaliya iyadoo magaalo madaxda dalka Faransiiska taaladeeda caanka ah ee loo yaqaan Eifel Tower la damiyey laydhkeedii si ay dalku u muujiyaan in ay ga murugaysan yihiin dhacdadan xaqdarada ah ee lagula kacay umad aan waxba geysan ee danahooda maalmeed iska watay. Sidoo kale dawladaha iyo shicibka dalalka jaarka ah; Kiiniya, Itoobiya, Somaliland, iyo Jabuuti ayaa muujiyey dareenkooda fariimo tacsi iyo taageerona u diray dawlada iyo rayidka dalka Soomaaliya.
Hadaba, waxaa maalmo ka dib jawaabay kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab oo iyagu caan ku ah dilka iyo weerarka dadka caanka ah ama madaxda ah ee dalkaas Soomaaliya. Waxay kooxdani sheegeen in aanay iyagu falkan geysanin ee dad kale geysteen balan ay ku qaadayaan cidii falkan ka danbeysay inay la dagaalamaan oo eedsiiyaan waxyeelada loo gaystay dadka walaalahooda ee lagu xasuuqay isgoyska Soobe 14-kii bisha Oktoober.
Waxaan la qarin karin in dalka Soomaaliya oo colaado sokeeye iyo faragelino badan oo caalami ahi ka jireen 30 kii sano ee ugu danbeeyey uu u curyaansan yahay xaaladaha noocan ah ee amni daro oo dawladihii isaga danbeeyey xukunka dalkaasi ay maareeyn kari waayeen. Soomaaliya cawaaqibkan ku habsadey ee ay ku nafwaayayaan umada rayidka ahi waa mid xanuun ku haysa dhamaan dadyowga Soomaalida ah kuwa Muslim ka ah iyo wadamada jaarka la ah dalka Soomaaliya. Ilaalinta amniga mandaqaduna waa danta dhamaan wadamada geeska oo ay waajib ku tahay in kooxaha xagjirka ah iyo cidii falalka noocan ah ka danbeysaba meel looga soo wada jeesto.


Comments