top of page

Ololaha Doorashada Somaliland 2017

  • Oct 23, 2017
  • 1 min read

Waxaa si rasmi ah u bilowday ololahii doorashada ee 2017 ee Jamhuuriyada Somaliland. Tartankan ayaa ka dhexeeya sadexda xisbi qaran ee Kulmiye, UCID, iyo Waddani. Xisbiga UCID ayaa maalintii Sabtida soo bandhigay ololahiisa tii oo ay taageerayaasha xisbigaasi fagaarayaasha magaaloyyinka dalka la dhex mushaaxay calamada xisbiga iyo odhaahyo ay ku muujinayaan taageeradooda.

Markii ay saacadu ahayd 6 galabnimo ee maalintii Sabtida ayaa xisbul xaakimka Kulmiye la wareegeen diyaargarowga ololahooda maalinta Axada. Waxaa si xoogan looga dareemay magaalooyinka waaweyn oo ay taageerayaasha xisbigu dhoolatus ka wadeen. Isla subixii Axda ayaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye wacdarahoodii soo bandhigeen. Waxaa fagaarayaasa magaalooyinka is xidhay taageerayaasha xisbiga oo ku ciidsan calanka xosbiga Kulmiye. Sawaxanka iyo heesaha ay taageerayaashu ku olaleynayeen ayaa laga maqalaayey xaafadaha. Kulmiye waxay soo afjareen ololahoodii maalintaa ku lixdii galabnimo ee Axada si xibiga sadexaad u diyaar garoobo ololahooda maalinta xigta.

Xisbiga saexaad ee qaranka, Waddani, ayaa si rasmi ah iyana u bilaabay olalohoodii subaxii Isniinta. Waxaa ay sidii xibiyadii hore u dhex mushaaxeel magaalooyinka dalka. waxay si mug leh isugu soo baxeen Beerta Xoriyada oo ah goobta khudbadaha laga galaayo. Waddani ayaa taageerayaashiisii hugun iyo sawaxan ku dhex mareen magaalooyinka iyaga oo lulaaya sumada xisbiga.

Ilaa hada labada xisbi ee is mari' li'i waa xisbul xaakimka Kulmiye iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo labaduba taageero fara badan ka heysta bulshada.

Ilaa hada wax dhib ah lama soo werin oo ay sababeen isku soo baxan faraha badan, balse The Somaliland Review waxay taako taako idiinla socodsiin doonaan wararka ololaha xisbiyada.

The Somaliland Review

Comments


The Chief Editor
Recommanded Reading
Search By Tags
Follow "THIS JUST IN"
  • Facebook Basic Black
  • Twitter Basic Black
  • Black Google+ Icon

My Channel

My Channel

My Channel
The Somaliland Review Office 1

The Somaliland Review Office 1

00:15
bottom of page